RASMI: UEFA Oo Go,aan Ka Gaadhay Racfaankii Ay Bayern Munich Ka Qaadatay Ganaaxa Thomas Muller Ee Champions League

0

Xiriirka kubada cagta yurub ee UEFA ayaa go,aan ka gaadhay racfaankii ay kooxda Bayern Munich ka qaadatay ganaaxa xiddiga weerarka uga ciyaara ee Thomas Muller.

Liverpool ayaa war fiican heshay kadib markii ay UEFA Maanta oo Isniin ah Bayern Munich ka diiday racfaankii ay ka qaadatay ganaaxa Thomas Muller.

Muller ayaa gadhka loo galiyay ganaax 2 kulan ah kadib markii uu kaadhka cas qaatay kulankii ugu dambeeyay wareega Group-yada champions League ee ay la ciyaarayeen kooxda Ajax.

29 jirkan ayaa kaadhka loo taagay kadib markii uu madaxa ka laagay xiddiga kooxda Ajax ee Nicolas Tagliafico intii uu socday kulanku.

Laakiin kooxda difaacanaysa horyaalka Bundesliga ayaa UEFA u gudbisay racfaan ay doonaysay in ay ka qaadato ganaaxa xiddiga si uu uga hor tago Liverpool wareega 16-ka tartanka.

Nasiib daro UEFA ayaa si Rasmi ah u diiday racfaanka taas oo la macno ah in uu Muller seegi doono 2-da kulan ee wareega 16-a ay Bayern la ciyaari doonto Reds.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here