RASMI: Tababare Ernesto Valverde Oo Soo Saaray Liiska Ciyaartoyda Kooxdiisa Barcelona Ee Kulanka Catalan Derby-Miyay Lionel Messi Iyo Luis Suarez Ciyaari Karaan?

Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa soo saaray liiska ciyaartoyda kooxdiisa ee kulanka Catalan Derby ee Camp Nou caawa fiidkii ka dhici doona. Barcelona ayaa soo dhawaynaysa kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Espanyol.

Tababare Valverde ayaa liiska ciyaartoyda kooxdiisa Barcelona waxa uu ku soo darsaday Lionel Messi iyo Luis Suarez oo dhaawacyo la soo dhibtoonayay muddadii kulamada caalamiga ahaa ee xulalka aduunka lagu soo jiray, wuxuuna rajaynayaa in ay kulanka Espanyol ciyaari doonaan.

Laakiin lama hubo haddii uu Valverde shaxdiisa ku soo wada bilaabi doono Messi iyo Suarez isaga oo waliba cadeeyay in ay maamuli doonan daqiiqadaha uu Messi ciyaari doono inta xili ciyaareedkan ka hadhsan taas oo laga fahamay in Messi uu caawa kaydka ku jiri doono.

Luis Suarez oo kulamadii xulkiisa Uruguay ku seegay dhaawicii ku soo gaadhay kulankii Real Betis ayay u badan tahay in uu shaxda Valverde ku soo bilaaban karo halka Messi uu kaydka ku jiri karo waxayna taasi fursad siin kartaa Malcomo oo kulankan ku soo bilaaban kara.

Ousmane Dembele ayaan wali diyaar ahayn wuxuuna ka maqan yahay liiska ciyaartoyda uu Valverde soo saaray waxaana sidoo kale dhaawacyo iyo go’aan farsamo liiskan uga maqan ciyaaroyda kala ah Jasper Cillessen, Rafinha, Jeison Murillo, Jean-Clair Todibo iyo Thomas Vermaelen.

Goolhaye Jasper Cillessen ayaa seegay liiska ciyaartoyda Barcelona kadib dhibaato uu ka dareemayay feedhaha waxayna taasi keentay in Valverde uu goolhayaha labaad ka dhigto Inaki Pena iyada oo Ter Stegen uu goolka ku soo bilaaban doono.

Liiska Ciyaartoyd Barcelona ee Kulanka Catlan Derby:

Goolhayayaasha: Ter Stegen , Iñaki Peña.

Difaaca : Semedo, Piqué, Lenglet, Sergi Robero, Umtiti and Jordi Alba.

Khadka Dhexe: Rakitic, Busquets, Arthur, Arturo Vidal, Aleñá and Coutinho.

Weerarka: Messi, Luis Suárez, Malcom and Boateng.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here