RASMI: Tababarayaasha U Tartami Doona Abaalmarinta Tababarihii Ugu Fiicnaa Bishii December Oo La Soo Saaray

0

Waxa la soo saaray liiska tababarayaasha u tartami doona tababarihii ugu fiicnaa ee bishii December ee dhamaatay.

Liiska ayuu hogaaminayaa tababaraha kooxda Barcelona ee Jurgen Klopp kaas oo kooxdiisa ku hogaamiyay guulo dhamaan kulaamdii bishii December.

Jurgen Klopp ayay kooxdiisu gaadhay 7 guulood 7 kulan oo ay ciyaartay bishii December iyaga oo dhaliyay 22 gool kaliyana laga dhaliyay 2 gool.

Klopp ayaa la tartamaya tababaryaaasha Nuno Espirito Santo (Wolves), Manuel Pellegrini (West Ham), Mauricio Pochettino (Tottenham) & Maurizio Sarri (Chelsea).

Tababarayaasha kale ayaa dhankooda soo bandhigay qaab ciyaareed fiican iyaga oo guulo ku hogaamiyay kooxohooda kala duwan.

Jurgen Klopp ayaa ugu cad-cad ku guulaysiga abaalmarinta marka loo eego in ayna kooxdiisu wax guuldaro ah la kulmin bishii December.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here