Daafaca Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa ka maqnaanaya lugta labaad ee kulanka Ajax ee wareegga 16-ka Champion-ka .
Real oo kulankii garoonka Ajax ku soo badisay 2/1 ayaa shanta bisha dambe waxa ay marti gilinayaan Ajax oo ay wada leeyihiin lugta labaad
Daafacooda Ramos ayaa kulankaas seegaya ka dib markii uu kaarka digniinta ku qaatay kulankii garoonka Ajax taasi oo keentay in ay dul saarmaan kaararka digniinta ee tartankaas .
Sidoo kale Ramos ayuu kulankaas u ahaa kiisii 600-aad ee Real waxa uu noqday laacibkii 7-aad ee ugu safashada badan kulamada Real Madrid
Kaliya, waxa uu Ramos u safan karaa Real haddii ay u soo baxaan wareegga 8-da ee tartanka Champion-ka
Advertisement