RASMI: Sergio Busquets Oo Seegi Doona Kulanka Valencia Ee Todobaadka Dambe, Sabab

Kooxda Barcelona ayaa la kulantay dhirbaaxo xun kadib guushii ay ka gaadhay kooxda Girona kana tirsnaa horyaalka La Liga todobaadkiisii 21-aad.

Barcelona ayaa waayi doonta adeega xiddiga khadka dhexe ee Sergio Busquets kulanka xiga ee ay Barcelona la ciyaari doonto kooxda Valencia todobaadka dambe.

Sergio Busquets ayaa kulanka Valencia ku seegi doona ganaax kadib markii uu qaatay kaadhkiisii digniinta ahaa ee 5-aad xilli ciyaareedkan daqiiqadii 42-aad.

Sidaas darteed Sergio Busquets ayaa hal kulan oo ganaax ah ku seegi doona kulanka Valencia ee ay Barcelona la ciyaari doonto Todobaadka dambe.

Warkan ayaa dhirbaaxo u ah kooxda Barcelona marka loo eego in uu Sergio Busquets yahay xiddig khadka dhexe muhiim uga ah kooxda.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here