RASMI: Santiago Solari Oo Soo Xushay Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doono Barcelona

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Santiago Solari ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Barcelona caawa lugta 1-aad e Sem-finalka Tartanka Copa Del Rey-ga.

Solari oo kulankiisii ugu horeeyay ee El Clasico hogaamin doona Real Madrid ayaa soo xushay xiddigaha ugu muhiimsan kooxdiisa ee taamka ah.

Waxa Liiska dib ugu soo laabtay xiddigaha Carvajal, Varane iyo Kroos kuwaas oo seegay Liiskii xiddigihii ka qayb qaatay kulankii Alaves ee horyaalka.

Waxa jira xiddigo badan oo isha ku haya kulankoodii ugu horeeyay ee ay ka hor tagaan sida Vinicius Junior Iyo Reguilon.

Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha uu tababaruhu u xushay kulanka:

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here