RASMI: Santiago Solari Oo Soo Saaray liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doono Levante

Tababaraha Kooxda Real Madrid Santiago Solari ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Levante kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Solari ayaa Liiska ku soo daray xiddigaha Vallejo iyo Brahim Diaz kadib markii ayna kulamadii ugu dambeeyay xitaa ka soo muuqan Liiska.

Waxa Liiska ka maqan kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos kaas oo ganaax ku seegi doona kadib kaadhkii casaa ee uu qaatay kulankii todobaadkii hore.

Waxa sidoo kale Liiska ka maqan xiddiga Isco inkasta oo uu ku soo laabtay tababarka kooxdiisa hadana Solari ayaan soo xulan.

Inta kale tababaraha ayaa soo xushay dhamaan xiddigaha kooxdiisa taamka u ah si uu uga soo xusho shaxda caawa kulanka 10:45 habeenimo la ciyaari doonaan Levante.

Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska uu tababaruhu soo xushay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here