RASMI: Santiago Solari Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doono Ajax

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Santiago Solari ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Ajax kulan ka tirsan lugta 1-aad ee wareega 16-ka tartanka champions League.

Los Blancos ayaa marti u noqon doonta kooxda reer Holland maalinta Arbacada kulankoodii 1-aad ee wareega 16-ka champions League.

Liiska uu Solari soo saaray ayaa lagu arkay maqnaanshaha xiddigaha Luca Zidane, Jesús Vallejo, Marcos Llorente & Isco.

Laakiin Karim Benzema ayaa kooxda ula safray Holland inkasta oo uu seegay tababarkii shalay kadib xanuun uu dhabarka ka dareemay.

Waxa sidoo kale Liiska lagu arkay xiddiga Brahim Diaz kaas oo isha ku haya in uu Real u ciyaaro kulankiisii ugu horeeyay ee champions League.

Halkan Hoose Kaga Bogo liiska xiddigaha uu Solari u soo xushay kulanka Ajax:

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here