RASMI: Santiago Solari Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Caawa Kaga Hor Tagi Doono Villarreal, 5 Xiddig Ayaa Ka Maqan

0

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Santiago Solari ayaa soo saaray Liiska xiddigaha 20-ka ah ee uu kaga hor tagi doono kooxda Villarreal kulan ka tirsan horyaalka La Liga todobaadkiisii 17-aad.

Liiska ayaa laga dhex waayay xiddigo badan oo ku seegi doono kulanka kadib markii ay dhaawacyo soo gaadheen maalmihii ugu dambaysay.

Xiddigaha Marcos Llorente iyo Mariano Diaze ayaa ka maqan Liiska sababo la xiriira dhaawac soo gaadha oo u diiday in u kooxda la safraan.

Dhanka Tababare Solari ayaa Liiska ka saaray xiddigaha Marco Asensio iyo Vallejo kuwaas oo uu uga saaray dookhiisa inkasta oo ayna labada xiddig wax dhaawac ah qabin.

Laakiin waxa Liiska ku soo laabtay xiddigaha Nacho iyo Casemiro oo isku diyaarinaya in ay ciyaaraan kulankoodii ugu horeeyay ee La Liga kadib markii ay muddo dhaawac ku maqnaayeen.

Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska uu tababare Solari Soo Saaray ee uu kaga hor tagi doono kulanka Villarreal:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here