RASMI: Santiago Solari Oo Soo Saaray 19-ka Xiddig Ee Uu Kaga Hor Tagi Doono Sevilla Kulanka Maanta & 7 Xiddig Oo Dhaawac Uga Maqan

Real Madrid ayaa marti galin doonta kooxda Sevilla kulan ka tirsan horyaalka La Liga todobaadkiisii 20-aad kulan ka dhici doona Santiago Berabeu.

Santiago Solar ayaan kulanka ugu yeedhin 7 xiddig oo dhaawac uga maqan kooxda kuwaas oo aan ka qayb qaadan doonin kulanka

Keylor Navas, Toni Kroos, Marco Asensio, Marcos Llorente, Jesus Vallejo, Mariano Diaz & Gareth Bale Ayaa dhaawac looga reebay si la mid ah Alvaro Odriozola.

Karim Benzema oo ay Far jabtay kulankii Real Betis ayaa ka mid ah 19-ka xiddig ee uu tababaruhu u soo xushay kulanka.

Arinta xiisaha leh ee lagu arkay Liiska ayaa ah in uu ku jiro goolhaye da,yarka ah oo 19 jir ah laguna magacaabo Diego Altube

Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska Tababaruhu Soo Xushay:

Goolhayayaasha: Thibaut Courtois, Luca Zidane and Diego Altube.

Daafacyada: Dani Carvajal, Sergio Ramos, Raphael Varane, Nacho, Marcelo and Sergio Reguilon.

Khadka dhexe: Luka Modric, Casemiro, Fede Valverde, Brahim Diaz, Isco and Dani Ceballos.

Weerarka: Karim Benzema, Lucas Vazquez, Vinicius Junior and Cristo.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here