RASMI: Santaigo Solari Oo Soo Saaray 20-ka Xiddig Ee Uu Kaga Hor Tagi Doono Real Betis & 6 Xiddig Oo Ka Maqan Liiska

Tababaraha Kooxda Real Madrid Santiago Solari ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Real Betis kulanka caawa ee horyaalka La Liga.

Liiska ayay sidii la filayay ka maqan yihiin 6 xiddig kuwaas oo ku kala maqan ganaax iyo dhaawacyo kala duwan kulankana seegay.

Xiddigaha Bale, Mariano, Asensio, Coutois, Kroos ayaa kulanka ku seegi doona dhaawacyo kala duwan halka xiddiga Lucas Vasquez ku seegi doono ganaax kadib kaadh cas oo uu qaatay kulankii Sociedad.

Laakiin waxa taam u noqday kulanka xiddiga Da,yarka ah ee Vinicius kaas oo liiska ka soo muuqday inkasta oo uuna laba cisho tababar qaadan sabab la xidhiidha duray uu qabay.

Waxa sidoo kale Liiska ku soo baxay saxiixa cusub ee kooxda ee Brahim kaas oo isha ku haya in uu kulankiisii ugu horeeyay ee La Liga u ciyaaro Real Madrid.

Halkan Hoose Kaga Bogo liiska uu Solari soo saaray:

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here