RASMI: Real Madrid Oo Xaqiijisay Dhaawac Xiddig Muhiim Ah, Mudada Iyo Kulamada Uu Maqnaan Doono Oo La Ogaaday

Dhibaatooyinka dhaawaca ayaa dib ugu bilaabmay kooxda Real Madrid kadib kulankii El Clasico ee ay bar-baraha la gashay kooxda Barcelona.

Real Madrid ayaa xaqiijisay dhaawac soo gaadhay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara ee Marcos Llorente kaas oo uu dhaawac ka soo gaadhay kulankii El Clasico.

Wargayska AS ayaa sheegaya in uu Marcos Llorente maray maanta baaritaan kaas oo lagu ogaaday in uu xiddiga dhaawac ka soo gaadhay muruqa lugta Bidix.

Kooxda ayaa dhankeeda xaqiijisay in uu xiddiga Marcos Llorente garoomada ka maqnaan doono muddo 4 ilaa 6 todobaad ah kadib dhaawaca.

Taas ayaa la macno ah in uu xiddigan ka maqnaan doono kulamo muhiim ah oo ay ugu horeeyaan kulanka Atletico Madrid ee horyaalka iyo kulanka Ajax ee tartanka champions League si la mid ah kulanka El Clasico ee lugta 2-aad ee Semi-finalka copa Del Rey-ga.

Wararka ayaa intaas ku daraya in uu xiddiga reer Spain mari doono baadhitaan dheeraad ah si la isugu dayo in uu si deg-deg ah uga soo kabsado dhaawac halkii la sugi lahaa muddo 6 todobaad ah.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here