RASMI: Real Madrid Oo Soo Bandhigtay Xiddigeeda Cusub Ee Brahim Diaz, Lambarka Uu U Xidhan Doono Kooxda & Kulanka Ugu Horeeya Ee Uu Real U Ciyaari Doono

0

Kooxda Real Madrid ayaa si Rasmi ah u soo bandhigtay saxiixeeda cusub ee Brahim Diaz kadib markii ay ka saxiixatay heshiis wakhti fog ah.

Brahim Diaz ayaa qalinka ku duugay heshiis 6 sano ah oo uu ku sii joogi doono kooxda ka dhisan caasimada Spain ee Madrid.

Xiddiga ayaa ku baasay tijaabada caafimaadka ka hor inta aan lagu dhawaaqin heshiiskiisa loona soo bandhigin taageerayaasha Real Madrid.

Xiddiga reer Spain ayaa qaadan doona Lambarka 21 oo uu horay u xidhan jiray xiddiga reer Spain ee Alvaro Morata intii uu joogay Real Madrid.

Wararka ayaa sheegaya in uu xiddigan kulankiisii ugu horeeyay ee Real Madrid ciyaari karo bartamaha todobaadkan marka ay la ciyaari doonaa kooxda Leganes kulanka lugta 1-aad ee Copa Del Rey-ga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here