RASMI: Real Madrid Oo Dhamaystirtay Saxiixeedii Ugu Horeeyay Ee Xagaaga & Faah-Faahinta Heshiiska

0

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay haatanba heshiis la gaadhay saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa xagaaga maalmo kadib markii uu Zinedine Zidane dib ugu soo laabtay kooxda.

Real Madrid ayaa la sheegaya in ay kooxda FC Porto kala heshiisay saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Eder Militao kaas oo ay ogolaadeen in ay ka bixiyaan 50 milyan oo euro sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Brazil.

21 jirka ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay tan ilaa markii uu xagaagii hore 4 milyan ugu soo biiray kooxda FC Porto isaga oo sii jiitay xiisaga kooxo badan oo reer yurub ah.

Laakiin sida laga soo xigtay Globo, Militao ayaa noqon doona xiddiga ugu horeeya ee Real Madrid ee xagaaga kadib markii ay kooxda reer Spain ogolaatay in ay bixiyaan lacagta 50 milyan ee lagu bur-burinayo heshiiskiisa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in uu xiddiga reer Brazil ogolaaday in uu qalinka ku duugo heshiis 6 sano ah isaga oo tijaabada caafimaadka u mari doona kooxda maalinta Isniinta dambe.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here