RASMI: PSG Ku Dhawaaqday In Ay Dhamaystirtay Saxiixa Xiddiga Leandro Paredes, Chelsea Ayay Ku Garaacday

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa dhigeeda Chelsea ku garaacday saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Leandro Paredes kaas oo ay kula wareegtay lacag dhan 47 milyan oo euro.

Leandro Paredes ayaa u muuqday mid ku biiraya kooxda chelsea si uu badal ugu noqdo Cesc Fabregas oo ku biiray kooxda Monaco.

Laakiin PSG ayaa si lama filaan ah xiddiga uga dul qaaday kooxda chelsea kuwaas oo si aad ah u doonayay xiddiga si ay ugu xoojiyaan khadka dhexe.

Waxa la faaminsan yahay in ay kooxda reer France xiddiga haatan kula wareegeen lacag dhan 40 milyan oo euro iyo 7 milyan oo Guno ah.

Xiddiga reer Argentien ayaa qalinka ku duugay heshiis 4 sano iyo baddh ah oo uu kula joogi doono kooxda ku ciyaarta Parc des Princes.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here