RASMI: Paul Pogba Oo Ku Guulaystay Xiddiga Ugu Fiican Man United Ee Bishii December

0

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man Unite ee Paul Pogba ayaa ku guulaystay xiddigii ugu fiicnaa bishii December ee kooxda Man United.

Paul Pogba ayaa qaab ciyaareed waali ah soo bandhigay bishii December kadib markii jose Mourinho laga caydhiyay shaqada Kooxda.

Pogba ayaa kooxda ku hogaamiyay 3 guulood oo xiriir ah waliba si weyn uga qayb qaatay guulihii ay Red Devils gaashay kulamadii ugu dambeeyay.

Xiddiga reer France ayaa dhaliyay 4 gool sidoo kale caawiye ka noqday 3 kale kaliya 3-dii kulan ee ugu dambaysay premier League.

Taas ayaa xiddiga reer France. u hor seeday in uu ku guulaysto abaalmarinta xiddiga ugu fiican bisha December ee kooxda Man United.

Pogba ayaa si weyn loo dhaleecayay qaab ciyaareedkiisa laakiin xiddiga ayaa u muuqda mid ah xiddig laf dhabar u ah qaab ciyaareedka Red Devils.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here