RASMI: Ole Gunnar Solskjaer Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doono Liverpool, Miyay Ku Jiraan Lingard & Martail.

Tababaraha Kooxda Man united ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Liverpool kulanka caawa.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa Liiska ku soo daray Xiddiga Jesse Lingard laakiin waxa laga dhex waayay Xiddiga garabka ka ciyaara ee Anthony Martail.

Lingard iyo Martail ayuu dhaawac ka soo gaadhay kulankii PSG ee champions League waxana la filayay in ay garoomada ka maqnaadaan muddo 3 todobaad ah.

Laakiin Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in ay labada xiddig ka soo hor mareen wakhtigii la fiyaya in ay maqnaadaan.

Inkasta oo Liiska xiddigaha Maan United ee ka hor tagay Liverpool lagu arkay Lingard hadana waxa aan lagu arkin xiddigaha reer France ee Anthony Martial.

Labada xiddig ayaa muhiim ka ah qorshaha tababare Ole Gunnar Solskjaer kaas oo si weyn u isticmaalay tan ilaa markii uu shaqada kala wareegay Jose Mourinho.

Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha Uu Ole Gunnar Solskjaer Soo Saaray:

David de Gea, Sergio Romero, Lee Grant, Diogo Dalot, Chris Smalling, Victor Lindelof, Eric Bailly, Marcos Rojo, Luke Shaw, Ashley Young, Fred, Scott McTominay, Ander Herrera, Paul Pogba, Andreas Pereira, Juan Mata, Alexis Sanchez, Jesse Lingard, Marcus Rashford, Romelu Lukaku

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here