RASMI: Mudada Uu Marco Asenio Garoomada Ka Maqnaan Doono Oo La Ogaaday

0

Kooxda Real Madrid ayaa dhirbaaxo kala kulantay maanta oo jimce ah xaalada xiddiga garabka uga ciyaara ee Marco Asenio Kaas oo uu dhaawac soo gaadhay.

Asensio ayaa baadhitaan lagu sameeyay kadib dhaawac soo gaadhay xiddiga kulankii Semi-finalka club World cup-ka ay guusha ka gaadheen kooxda Kashima Antlers.

Xiddiga ayuu dhaawac lugta midig ah soo gaadhay kulankii Rayo Vallecano ee horyaalka La Liga ka hor inta uuna isla dhaawacii xiddiga ku soo laba kaclayn kulankii Kashima Antlers.

Asenio Ayaan wax tababar ah qaadan khamiistii kadib markii uu sii wadan kari waayay Tababarka sabab la xidhiidha xanuun uu ka dareemay lugta.

Wargayska MARCA ayaa haatan sheegaya in baadhitaanka lagu sameeyay xiddiga reer Spain muujinayo in uu xiddigu garoomada ka maqnaan doono muddo 3 todobaad ah ugu yaraan.

Warkan ayaa ah mid u xun kooxda Real Madrid marka loo eego in uu xiddigu ka mid yahay xiddigaha ugu muhiimsan kooxda inkasta oo uuna qaab ciyaareed fiican ku jirin.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here