RASMI: Mudada Uu Gareth Bale Ka Maqnaan Doono Garoomada Oo La Ogaaday Kadib Dhaawacii Ka Soo Gaadhay Kulankii Villarreal

0

Gareth Bale ayuu soo gaaday dhaawacii ugu dambeeyay kulankii ay Real Madrid bar-baraha 2/2 ah la gashay kooxda Villarreal Khamiistii waxana uu garoomada ka maqnaan doonaa muddo 10 ilaa 15 maalmood ah.

Xiddiga reer Wales ayaa maray baadhitaan jimcihii subaxnimadii waxana ay baadhitaanku xaqiijiyeen in uu dhaawac ka soo gaadhay kuraanta lugta bidix.

Sidaas darteed Bale ayaa seegi doona kulanka Sabtida ay Real Madrid la ciyaari doonto Real Sociedad iyo Kulanka Aarbacada dambe ee ay Los Blancos la ciyaari doonto Copa Del Rey-ga kooxda Leganes iyo kulanka Axada dambe ee ay la ciyaari doonaan Real Betis.

Waxa sidoo kale laga yaabaa in uu seego kulanka lugta 2-aad ee Copa Del Rey-ga ee Leganes ee bartmaha todobaadka xiga iyada oo aan wax khatar ah la galin doonin.

Los Blancos ayaa la ciyaari doonta kooxda Sevilla 19 bisa January waxana ay ku buuxdaa 15-ka maalmood ee uu maqnaan doono.

Ka qayb galkiisa kulankaas ayay ku xidhnaan doontaa sida uu horumara uga sameeyo dhaawaca iyo sida uu uga soo kabsado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here