RASMI: Mohamed Salah Oo Markii 2-aad Oo Xiriir Ah Ku Guulaystay Xiddiga Ugu Fiican Qaarada Africa

0

Xiddiga Kooxda Liverpool iyo xulka qaranka Masar ee Mohamed Salah ayaa ku guulaystay xiddiga ugu fiican qaarada Africa Sanadka 2018.

Mohamed Salah ayaa abaalmarinta ku guulaystay sanadkii 2-aad oo xiriir ah kadib markii uu ku guulaystay abaalmarinta sanadkii hore.

Salah ayaa abaalmarinta ku garaacay xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Sadio Mane iyo weeraryahanka Liverpool ee Aubameyang.

Xiddiga reer Masar ayaa ku mutaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican qaab ciyaareed cajiiba h oo uu soo bandhigay sanadkii tagay.

Salah ayaa kooxdiisa Liverpool u dhaliyay 13 gool oo premier League ah ilaa haatan isaga oo sidoo kale xulkiisa masar u dhaliyay 2 gool inkasta oo uu dhaawac ku seegay kulamadii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here