RASMI: Man United Oo Xaqiijisay In Ay Heshiis Wakhti Dheer Ah Ka Saxiixatay Phil Jones.

0

Kooxda Man United ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay heshiis cusub ka saxiixatay xiddiga daafaca uga ciyaara ee Phil Jones.

Daafaca reer England oo xiddig muhiim ah ka noqday man United kulamadii ugu dambeeyay ayaa qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah iyo hal sano oo dookh ah.

Jones ayaa kooxda Man United la sii joogi doona ilaa xagaaga 2023 iyada oo kooxdu dookh u haysata in ay hal sano oo kale ka saxiixato.

“Waxa aan aad ugu faraxsanahay in aan heshiis cusub u saxiixo Man United, United waxa ay ahayd qayb weyn oo ka mid ah noloshayda muddo 8 sano waanan jecelahay wax walba oo kooxdan ah”ayuu jones yidhi.

“Waxa aan sugi laayahay tartanka i sugaya, waxana aan galaynaa wakhti adag oo xilli ciyaareedkan ah waxana aan kooxda uga mahad celinayaa kalsoonida ay i siiyeen”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here