RASMI: Man United Oo Xaqiijisay In Ay Heshiis Cusub Oo Wakhti Dheer Ah Ka Saxiixatay Anthony Martial.

Kooxda Man United ayaa Si Rasmi ah u xaqiijisay in ay heshiis cusub oo wakhti dheer ah ka saxiixatay xiddiga weerarka uga ciyaara ee Anthony Martial.

Xiddiga reer France ayuu 18 bilood uga hadhsanaa heshiiskiisa Old Trafford waxana ay kooxda Man United ka cabsi qabtay in ay waydo xiddiga intii uu Jose Mourinho hogaaminayay kooxda.

Si kasta ha ahaatee Martail ayaa ka laabtay go,aankiisii mustaqbalkiisana u hibeeyay United kadib markii uu kooxda la wareegay Ole Gunners Solskjaer.

Heshiiska cusub ee Martail ayaa dhici doona ilaa xagaaga 2024 isaga oo ka dhigay xiddigaha ugu mushaharka badan kooxda.

“Waan jecelahay wakhtiga aan ku qaadanayo kooxdan”ayuu Martial yidhi.

“Min maalintii aan ku soo biiray waxa aan dareemay in aan ka mid ahay qorska United waxana aan aad ugu faraxsanahay jacaylka taageerayaasha”.

“Waxa aan doonayaa in aan u mahad celiyo tababare Ole iyo shaqaalihiisa tababarka kuwaas oo igu kalsoonaaday qaab ciyaareedkaygana u qaaday heer kale”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here