RASMI: Man City & Chelsea Oo Markii 2-aad Ee Taariikhdooda Isaga Hor Iman Doona Finalka Carabao cup-ka & Xogta Finalkii Hore Ee Dhex Maray Labada Kooxood.

Kooxda Chelsea ayaa iska xaadirisay finalka Caraboa cup-ka kadib markii ay rikoodhayaal uga badisay kooxda Tottenham kulan ka dhacay Stamford Bridge.

Chelsea ayaa haatan finalka kula ciyaari doonta kooxda Man City kulan ka dhici doona Garoonka Wembley iyada oo ay halkaas ku kala qaadi doonaan koobka sanadkan.

Kadib Finalkan kooxaha Chelsea iyo Man City ayaa markii 2-aad isaga hor iman doona finalka Carabao cup-ka taariikhda Tartanka.

Kooxaha Chelsea iyo Man City ayaa finalka tartanka isaga hor yimid hal mar oo kaliya tan ilaa markii la Aas-Aasay tartanka.

Finalkii ay isaga hor yimaadeen ee hore ayaa dhacay 23 March 1986 iyada oo ay kooxda chelsea ku qaaday 5/4 xilli 9 gool la iska dhaliyay.

Finalka sanadkan ayaa noqon doona midii 2-aad ee ay labada kooxood isaga hor yimaadeen tartanka Carabao cup-ka.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here