RASMI: Lixda Xiddig Ee U Tartami Doona Abaalmarinta Xiddigii Ugu Fiicnaa Bishii janaury Ee Premier League Oo La Soo Saaray.

Waxa la soo saaray 6-da xiddig ee u tartami doona abaalmarinta xiddigii ugu fiicnaa bishii January ee horyaalka premier League.

Xiddigaha Heaton, King, Lacazette, Lindelof, Rashford ayaa u tartami doona abaalmarinta in ay ku guulaystaan bishan kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo ay soo bandhigeen.

Codaynta ayay dhiibtaan dhamaan 20-ka kabtan ee kooxaha premier League iyo waliba khabiirada premier League iyada oo la shaacin doono jimcaha oo ku beegan 8 February.

Weeraryahanka kooxda Arsenal ee Alexandre Lacazette ayaa u soo baxay Liiska kama dambaysta ah ee abaalmarintan kadib qaab ciyaareed fiican oo uu soo bandhigay kuna dhaliyay 3 gool.

Xiddigaha Man United ee Victor Lindelof & Marcus Rashford ayaa kooxdooda Man United ka caawiyay in ay bishii January soo bandhigto qaab ciyaareed cajiib ah.

Joshua King oo u ciyaarta Bournemouth, Tom Heaton oo goolka u ilaaliya Burnley iyo James Ward-Prowse oo u ciyaara Southampton ayaa sidoo kale u tartamaya abaalmarinta.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here