RASMI: Liverpool Oo Warbixin Ka Heshay Xaalada Dhaawac Ee Daafaca Dejan Lovren, Imisa Ayuu Maqnaan Doonaa?

0

Liverpool ayaa saacadihii ugu dambeeyay si weyn ugu dhag taagaysay xaalada dhaawaca ee xiddiga daafaca uga ciyaara ee Dejan Lovren kaas oo uu dhaawac ka soo gaadhay kulankii Wolves.

Dejan Lovren ayaa la xaqiijiyay in uu seegi doono kulanka ay Liverpool la ciyaari doonto kooxda Brighton sabtida taas oo dhirbaaxo ku ah jurgen Klopp.

Daafaca ayuu dhaawac muruqa ah ka soo gaadhay kulankii ay Liverpool guuldarada kala kulantay kooxda Wolves kulan ka tirsanaa FA Cup-ka.

Laakiin dhaawaca xiddiga soo gaadhay ayaan ahayn mid halis ah sidaas darteed wali lama xaqiijin in uu seegi doono kulanka xiga ee Crystal Palace.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah kooxda Liverpool marka loo eego in ay xiddigaha Joe Gomez iyo Joel Matip dhaawac kaga maqan yihiin.

Matip ayaan taam u noqon doonin kulanka Brighton si la mid ah xiddiga Gomez kuwaas oo aan wali ka soo kabsan dhaawacyo kala duwan oo soo gaadhay.

Klopp ayaa ku rajo weyn in uu Matip taam u noqdo kulanka Crystal Palace ee ku xiga kulanka Brighton Iyada oo uu Klopp haatan go,aansan doono fabinho ama Georginio Wijnaldum midkooda uu ka ciyaarsiin doono daafaca dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here