RASMI: Liverpool Oo Sii Wada Ololaha Heshiis Kordhinta Kooxdooda Heshiis Wakhti Fog Ahna Ka Saxiixatay Trent Alexander-Arnold

Kooxda Liverpool ayaa sii wada ololaha ay ugu jirto in ay heshiiska cusub uga saxiixato xiddigaha ugu muhiimsan ee kooxda u ciyaara.

Liverpool ayaa haatan xaqiijisay in ay heshiis wakhti fog ah ka saxiixatay xiddiga daafaca uga ciyaara ee Trent Alexander-Arnold kaas oo qalinka ugu duugay kooxdiisa Heshiis cusub.

Trent Alexander-Arnold oo ka soo baxay Akademiyada Liverpool oo uu ku soo biiray isaga oo 6 sano kaliya jira ayaa kooxdiisa qalinka ugu duugay heshiis wakhti dheer ah.

Xiddiga daafaca ka ciyaara oo haatan dhaawac uga maqan kooxdiisa ayaa sheegay in uu si aad ah ugu faraxsan yahay in uu mustaqbalkiisa u hibeeyo Liverpool.

“Aad ayaan u faraxsanahay run ahaantii”ayuu Trent Alexander-Arnold u sheegay Liverpoolfc.com, “Run ahaatii sharaf weyn ayay ii tahay in aan haysto kalsoonida iyo taageerada kooxda kuwaas oo ii soo bandhigay heshiis cusub.

Heshiiska cusub ee Trent Alexander-Arnold ayaa yimid hal maalin kadib markii ay Liverpool heshiis cusub ka saxiixatay xiddiga Andy Robertson.

Trent Alexander-Arnold ayaa haatan xiddigaha heshiiska cusub u saxiixay xilli ciyaareedkan kula biiray xiddigaha Andy Robertson, Roberto Firmino, Mohamed Salah, Jordan Henderson, Sadio Mane & Joe Gomez.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here