RASMI: Kooxda PSG Oo Xaqiijisay Mudadada Uu Neymar Ka Maqnaan Doono Garoomada Kubada Cagta

0

Kooxda PSG ayaa Bayaan Rasmi ah ka soo saartay nooca dhaawaca xiddigeeda reer Brazil ee Neymar.

Xiddiga reer Brazil ayuu dhaawac ka soo gaadhay kulankii ay PSG la ciyaaraysay Strasbourg kana tirsanaa tartanka Coupe de France.

Kooxda PSG ayaa si Rasmi ah in uu xiddigu dhaawac ka soo gaadhay Farta 5–aad ee Lugtiisa Midig kadib baadhitaan lagu sameeyay.

Waaxda caafimaadka kooxda PSG ayaa xiddiga reer Brazil u qabtay in uu garoomada ka maqnaan doono muddo 10 todobaad ah.

10-ka todobaad ayaa u dhiganta 2 bilood iyo laba todobaad taas oo la macno ah in uu xiddigu ka maqnaan garoomada ku soo laaban dono todobaadyo yar ka hor dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga ayaa seegi doona kulamo muhiim ah oo ay kooxdiisa PSG la ciyaari doonto kooxda Man United ee tartanka champions League.

Xiddiga ayuu xilli ciyaareedkii 2-aad oo xiriir ah dhaawac soo gaadhay wakhtiga kana hor istaagay in uu kooxdiisa u ciyaaro champions League.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here