RASMI: Kooxda Bayern Munich Oo Xaqiijisay Saxiixa Xiddiga Wacdaraha Dhigay Koobkii Adduunka Ee Benjamin Pavard, Goorma Ayuu Ku Biiri Doonaa?

0

Kooxda Bayern Munich ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda VfB Stuttgart iyo xulka qaranka France ee Benjamin Pavard.

Xiddiga 22 jirka ah ayaa kooxda Bayern Munich ku soo biiri doona dhamaadka xilli ciyaareedkan gaar ahaan xagaaga dambe.

Benjamin Pavard ayaa qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah oo uu ugu biiri doono kooxda Bayern Munich dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Bayern Munich ayaa xiddigan ku raad joogtay ilaa xagaagii hore markaas oo uu qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay koobkii adduunka ee ka dhacay Russia.

Xiddiga koobka adduunka kula guulaystay xulka qaranka France ayaa inta xilli ciyaareedkan ka dhiman sii joogi doona kooxdiisa haatan ee VfB Stuttgart.

Saxiixa Benjamin Pavard ayaa ah midkii ugu horeeyay ee ay kooxda Bayern Munich samaysay suuqa January ee bishan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here