RASMI: Kooxaha U Soo Baxay Wareega 8 Dhamaadka Copa Del Rey-ga & Wakhtiga La Samayn Doono Isku Aadka Tartanka

Kooxda Barcelona ayaa dhamaystirtay kooxaha u soo baxay wareega 8 dhamaadka tartanka Copa del Rey kadib markii ay 3/0 uga badisay kooxda Levante kulan ka dhacay garoonka Camp Nou.

Barcelona ayaa ku biirtay kooxaha u soo baxay wareega xiga ee kala ah Real Madrid, Valencia, Getafe, Girona, Sevilla, Real Betis, Espanyo iyo Sporting Gijon.

Waxa maanta oo jimce ah la samayn doonaa isku aadka wareega 8 dhamaadka tartanka Copa del Rey iyada oo kooxaha soo baxay ogaan doonaan kooxaha ay la ciyaari doonaan wareega xiga.

Isku aadka ayaa la samayn doonaa 7:00 wakhtiga geeska Afirca iyo 5:00 wakhtiga Spain iyada oo lagu samayn doono xarunta guud ee xiriirka kubada cagta Spain.

Kooxda Sporting Gijon ayaa ah kooxda kaliya ee heerka 2-aad ee Spain kaga jirta tartanka iyada oo kooxda Girona ka yaabstay Atletico Madrid kana reebtay tartanka.

Dhanka kale kooxda Barcelona ayaa sugaysa in laga ganaaxo tartanka lagana reebo kadib markii ay ciyaarsiisay xiddiga aan u fasaxnayn in uu ciyaaro.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here