RASMI: Juventus Oo Xaqiijisay Saxiixa Daafaca Khabiirka Ah Martin Caceres

Kooxda Juventus ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dib ula soo saxiixatay daafaca Martin Caceres kaas oo kooxda joogi doona ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Juventus ayaa xaqiijisay in ay ka soo bixisay lacag dhan 600 kun oo Gin si ay Caceres ku hesho heshiis ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan ah.

Daafaca reer Urugauy ayaa u ciyaaray Juventus xilli ciyaareedkii 2009/2010 ka hor inta uuna ku soo laaban yo soo gaadhay kooxdana kula guulaysan laba koob oo Horyaalka Serie A-da ah.

Si kasta ha ahaatee kadib dhaawacyo soo gaadhay xiddiga ayaa ka hor istaagay in uu joogto ugu ciyaaro kooxda waxana uu u soo ciyaaray kooxaha Southampton, Verona & Lazio ka hor inta uuna bishan ku soo laaban kooxda.

Juventus ayaa ku heshay qiimo aad u jaban marka loo eego qibradiisa iyo waliba in uu kooxda si weyn u caawin karo 6-da bilood ee soo socota.

Xiddiga ayaa Juventus ka badalay Medhi Benatia kaas oo dhankiisa xalay si Rasmi ah ugu biiray kooxda reer Qatar ee Al-Duhail.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here