RASMI: Jose Mourinho Oo Ku Soo Laabtay Kubada Cagta, Muxuu Qaban Doonaa?

0

Tababarihii hore ee kooxda Man United Jose Mourinho ayaa durba ku soo laabtay ka shaqaynta ciyaaraha kubada cagta kadib markii laga caydhiyay shaqada Man United.

Jose Mourinho ayaa ku soo laabtay ka shaqaynta kubada cagta kadib markii uu shaqo falanqayn ka helay shabakada beIN Sports.

Tababaraha reer Portugal ee 55 jirka ah ayaa ka soo muuqan doona falanqaynta koobka Aasiya ee haatan ka socda dalka Imaaraadka.

Sidoo kale jose Mourinho ayaa falanqayn doona kulanka ay kooxdiisii hore ee Chelsea la ciyaari doonto kooxda Arsenal kulan ka tirsan premier League.

Jose ayaa si weyn loola xiriirinayaa kooxda Real Madrid kwuaas oo doonaya adeegiisa xilli ay United dalban doonto lacag dhan 10 milyan oo euro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here