RASMI: Jordi Alba iyo Ivan Rakitic Oo Seegi Doonka Kulanka Atletic Bilbao Ee Horyaalka La Liga, Sabab.

Kooxda Barcelona ayaa kulanka Atletico Bilbao ee horyaalka La Liga todobaadkiisa 23-aad waayi doonta xiddigaha Jordi Alba iyo Ivan Rakitic.

Labada xiddig ayaa ganaax ku seegi doona kulankaas kadib markii ay qaateen kaadhkoodii 5-aad ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Xiddiga khadka dhexe ee Ivan Rakitic ayaa kaadhka qaatay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee qaybtii hore ee kulankii Valencia.

Dhanka kale xiddiga daafaca ka ciyaara ee Jordi Alba oo uu tababaruhu kaydka u dhigay si uuna kaadh u qaadan ayaa kaadhka digniinta qaatay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta.

Sidaas darteed xiddigaha Jordi Alba iyo Ivan Rakitic oo ah xiddigo muhiim ka ah qorshaha tababare Ernesto Valverde ayaa seegi doona kulanka Athletic Bilbao.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here