RASMI: Jordan Henderson Oo Laga Reebay Liiska Xulka Qaranka England & Badalkiisa Oo La Magacaabay

0

Kabtanka Kooxda Liverpool ee Jordan Henderson ayaa laga saaray liiska xulka qaranka England ee kulamada xulalka ee maalmaha soo socda.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in saaka oo Isniin ah laga reebay Jordan Henderson Liiska xiddigaha xulka qaranka England.

Jordan Henderson ayuu dhaawac ku soo gaadhay bilowgii kulankii ay Liverpool guusha ka gaadhay kooxda Bayern Munich kulna champions league ahaa.

Dhaawacaas dartiis Jordan Henderson ayaa seegay kulankii ay kooxda Liverpool 2/1 uga badisay kooxda Fulham kana tirsanaa premier League.

Dhaawaca Jordan Henderson ayaa ku qabsanaya in uu seego kulamada xulka qarankiisa England inkasta oo ay war fiican u tahay Liverpool.

Jordan Henderson Ayaa haatan wakhti fiican u helaya in uu ka soo kabsado dhaawaca diyaarna u noqodo kulaamda kooxdiisa ee soo socda.

Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa badalka Henderson ka dhigay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Southampton ee James Ward Prowse.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here