RASMI: Inter Milan Oo Xaqiijisay In Uu Ivan Perisic Codsaday In Uu Boxo

Kooxda Inter Milan ayaa Si Rasmi ah u xaqiijisay in uu xiddiga garabka ka ciyaara ee Ivan Perisic codsaday in uu isaga tago kooxda inta lagu guda jiro suuqa January ee bishan.

Ivan Perisic ayaa si aad ah loola xiriirinayaa kooxda Arsenal maalmihii ugu dambeeyay kuwaas oo si lama filaan ah dalab uga gudbiyay todobaadkii hore.

Xiddiga reer Croatia oo seegay kulankii ay Inter guuldarda kala kulantay kooxda Torino ayaa maamulka kooxdiisa u sheegay in uu doonayo in uu boxo.

Agaasimaha kooxda Inter Milan ee Beppe Marotta ayaa xaqiijiyay in uu xiddigu si cad ugu sheegay maamulka rabitaankiisa in uu boxo bishan.

“Waxa aan dhagaysanay xiddiga iyo rabitaankiisa, waxa aan doonaynaa farxadiisa, laakiin sidoo kale waa in aan ka fikirno waxa u fiican kooxda, ilaa haatan ma jiro dalab fiican oo u yimid xiddiga sidaas darteed waa in aan sugno”.

Tababaraha Kooxda ee Luciano Spalletti ayaa sidoo kale xaqiijiyay in uu xiddigu ka codsaday in uu isaga tago kooxda Inta lagu jiro Bishan.

‘Waa Arin Iska Fudud, xiddig kasta waxa uu sheegi karaa waxa uu doonayo, laakiin waa shaqaale, waxa ay saxiixeen Heshiish, Hadii ay doonayaan in ay baxaan waa in ay helaan koox diyaar u ah in ay bixiso mushaharkooda”.

“Si xor ah isagama tagi kartid waa in aad hesho koox diyaar u ah in ay lacag kaa bixiso kadib diyaar u ah mushaharkaaga, sida iska cad Perisic waxa uu doonayaa in uu boxo”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here