RASMI: Inter Milan Oo Si Lama Filaan Ah Calaamada Kabtanimada Uga Qaaday Mauro Icardi & Sababta Oo La Ogaaday.

0

Kooxda Inter Milan ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqday in ay calaamada kabtanimada ka qaaday xiddiga Mauro Icardi iyaga oo kabtankooda cusub ka dhigtay Goolhayaha khabiirka ah ee Samir Handanovic.

Inter Milan ayaa go,aanka ku shaacisay bogeeda Twitter-ka maanta taas oo aan ahayn mid la filayay la yaabna ku noqotay adduunka.

Warkan ayaa imnanaya bilo kadib wadahadalo socday oo ay kooxda Inter Milan ku doonaysay in ay heshiis cusub uga saxiixato xiddiga.

Handanovic oo ah goolhayaha 1-aad ee kooxda Inter Milan ayaa kooxda u saftay 275 kulan tan ilaa markii uu Inter kaga soo biiray Udinese xagaagii 2012.

Wararka ayaa sheegaya in sababta ay Inter Milan xilka kabtanimo uga ayaa la sheegayaa in ay tahay suuqa kala iibsiga.

25 jirkan ayaa muddo dheer lala xiriirinayay in uu ka tagayo kooxda Ku ciyaarta San Siro iyada oo ayna kooxdu ilaa haatan heshiis cusub ka saxiixan.

Waxa intaas sii dheer in xiddiga laga reebay Liiska xiddigaha uga qayb gali doona tartanka Europa League oo ay Khamiista la ciyaari doonto Rapid Vienna.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here