Rasmi: Hazard Oo Ku Guuleestay Abaal Marin Kale.

0

Ciyaariyahanka kooxda Chelsea Eden Hazard ayaa ku guuleestay abaal marin Hor leh Waxa uuna Ku Muteestay Bandhigii uu ka sameeyaya koobka aduunka.

Eden Hazard ayaa loo doortay shaqsiga ugu wanaagsan dhanka Belgium dhamaan xirfadlayaasha cayaaraha kala duwan cayaaraan (Belgian Sportsman of the Year).

Tani ayaa ka dhigeeysay Eden in uusan Jirin Ciyaariyahan ka Wanaagsan Oo Belgium Ka soo jeeda isagoo Ah Shaqsi ahaan midka Ugu wanaagsan guud ahaan ciyaaraha kala Duban.

Hazard ayaa xulkiisa ku hogaamiyay inay kaalinta 3-aad ka galaan koobka aduunka kasoo ka dhacay Russia sanadkaan dhamaadka ah.

Bandhigiisa kooxda Chelsea waxa uu ahaa mid sareeya tan iyo markii uu soo caga dhigta kooxdaan waxa uu noqday Hazard Ciyaariyahan sameyn ku dhex leh kubada cagta.

Belgium-ka ayaa ah xulka kaalinta 1-aad kaga jira qiimeynta ugu dambeysay ee FIFA ay soo saartay xulalka iyo kala sareen tooda.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here