RASMI: FIFA Oo Xaqiijisay In Ay Chelsea Racfaan Ka Gudbisay Ganaaxii Laga Saaray Suuqa Kala Iibsiga.

Xiriirka kubada cagta Adduunka ee FIFA ayaa xaqiijisay in ay kooxda chelsea Racfaan ka qaadatay ganaaxii laga saaray suuqa kala iibsiga.

FIFA ayaa bogooda Interten-ka ku xaqiijiyay in ay kooxda chelsea si Rasmi ah Racfaan uga gudbisay ganaaxa laga saaray suuqa kala iibsiga.

Xiriirka kubada cagta adduunka ayaa laba todobaad ka hor xaqiijiyay in ay chelsea ka ganaaxeen suuqa kala iibsiga 2 suuq kadib dambi lagu helay.

Kadib racfaana Xiriirka kubada cagta ayaan xaqiijin in chelsea laga ogolaaday Racfaanka iyada oo dib loo dhigay go,aanka kama dambaysta ah sidii Real Madrid iyo Barcelona.

FIFA ayaa chelsea ku eedaysay in ay la soo saxiixatay xiddigo aan qaan gaadhin oo ka yar da,da 18 jirka taas oo keentay in la ganaaxo.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here