RASMI: Ernesto Valverde Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doono Man United

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Man United kulanka lugta 1-aad ee 8 dhamaadka champions League.

Valverde ayaa soo xushay 22 xiddig oo uu ula safri doono England kuwaas oo ka qayb qaadan doona tartanka champions league ay la ciyaari doonaan kooxda Man United.

Tababaraha ayaa Liiska ku soo daray xiddiga Ousmane Dembélé kaas oo dhaawac kaga maqnaa kooxda Barcelona labadii kulan ee ugu dambeeyay ee ay kooxdu ciyaartay horyaalka.

Sidoo kalw waxa Liiska ku soo baxay daafaca cusub ee da,yarka ah ee Todibo kaas oo uu tababaruhu Liiska ku soo daray inkasta oo uuna ka qayb qaadan doonin kulanka Man United.

Dhanka kale tababaraha ayaa soo xushay dhamaan xiddigaha taamka u ah kuwaas oo uu 18 xiddig kaga soo xulan doono ka hor kulanka kuwaas oo uu garoonka la gali doono.

Inkasta oo uu tababaruhu Liiska ku daray xiddiga Ousmane Dembélé hadana xiddiga reer France ayaan wali la xaqiijin in uu si taam ah u soo kabsaday kana qayb qaadan karo kulanka.

*: Xiddiga uma diwaan gashana si uu u ciyaaro champions Legaue.

**: Wali ogolaansho caafimaad oo uu ku ciyaaro lama siin.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here