RASMI: Ernesto Valverde Oo Kulanka Lugta 2-aad Ee Copa Del Rey-ga U Soo Xushay Hubkiisa Ugu Culus

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Levante kulanka lugta 2-aad ee tartanka Copa Del Rey-ga wareega 16-ka.

Barcelona oo lugtii hore looga badiyay 2/1 ayaa isha ku haysa in ay guul gaadho si ay u sii wadato difaacashada tartanka ay xilli ciyaareedkii hore ku guulaystay.

Sidaas darteed Valverde ayaa soo qaatay dhamaan xiddigaha taam-ka u ah kooxdiisa marka laga reebo xiddiga Malcom kaas oo laga reebay Liiska.

Xiddigaha Leo Messi, Suarez, Ter Stegen, Pique iyo waliba xiddigo kulankii lugtii hore ee tartanka seegay ayuu tababaruhu soo qaatay.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha Uu Tababaruhu u soo xushay kulanka Levante.

Ter Stegen, N. Semedo, Piqué, I. Rakitic, Sergio Busquets, Denis Suárez, Coutinho, Arthur, Suarez, Messi, O. Dembele, Cillessen, Lenglet, Murillo, Jordi Alba, S. Roberto, Alena, Iyo Vidal

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here