RASMI: Chelsea Oo Xaqiijisay In Ay Dhamaystirtay Saxiixa Gonzalo Higuain, Lambar Imisa Ayuu U Xidhan Doonaa?

Kooxda Chelsea ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa weeraryahanka Gonzalo Higuain kaas oo kooxda ugu soo biiray heshiis amaah ah oo ay dookh u haystaan in ay si toos ah ula wareegaan.

Xiddiga reer Argentine ayaa Chelsea kaga soo biiray Kooxda Ac Milan oo uu amaah kula joogay ugana maqnaa kooxda Juventus oo uu kaga biiray xagaagii.

Chelsea ayaa si aad ah u doonaysay saxiixa xiddigan si ay ugu xoojiso weerarka kadib markii ay kooxdu ku dhibaatootay dhanka weerarka qaybtii hore ee xilli ciyaareedkan.

Gonzalo Higuain ayaa noqday saxiixii 2-aad ee ay chelsea samaysay suuqa Janaury ee bishan iyaga oo horay u xaqiijiyay saxiixa Pulisic..

Xiddiga 31 jirka ah ayaa kooxdiisa cusub u xidhan doona maaliyada No.9 oo uu iska badalay Alvaro Morata xilli ciyaareedkan.

“Markii ay fursadu isoo gaadhay waan qaatay, Chelsea waa koox aan jecalaa amr walba oo leh taariikh waliba leh garoon cajiib ah, waxana ay ka ciyaaraan premier League, waana horyaal aan mar walba doonayay in aan ka ciyaaro”ayuu yidhi.

“Haatan waxa aan ku rajo weynahay in aan chelsea u celiyo kalsoonida ay ii muujiyeen mana sugi karo inta aan galayo garoonka si aan u ciyaaro”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here