RASMI: Chelsea Oo Ku Dhawaaqday Saxiixa Christian Pulisci & Wakhtiga Uu Ku Biiri Doono Blues Oo La Ogaaday

0

Kooxda chelsea ayaa ku dhawaaqday in ay heshiis la gaadhay kooxda Borussia Dortmund oo ay kala heshiisay saxiixa xiddiga Christian Pulisci.

Pulisic oo 20 jir ah ayaa sii joogi doona kooxda Dortmund inta ka dhiman xilli ciyaareedka ka hor inta uuna chelsea si Rasmi ah ugu soo biirin xagaaga.

Wxaxa la fahamsan yahay in ay Blues ogolaatay in ay bixiso lacag dhan 57 milyan oo euro si ay u heho xiddiga.

“BVB ayaa ogolaatay in uu Christiano Pulisic ku biiro chelsea”ayay kooxda Dortmund ku soo qortay bogeeda Twitter-ka.

“Chelsea ayaa amaah ku siisay 20 jirkan kooxda BVB inta ka dhiman xilli ciyaareedkan”ayay sii raacisay.

Pulisic ayay chelsea u aragtaa badalka mustaqbalka fog ee Eden Hazard kaas oo la filayo in uu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here