RASMI: Chelsea Oo Ganaax Dusha Ka Saartay Goolhaye Kepa Arrizabalaga Kadib Dhacdadii Wembley

0

Kooxda chelsea ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay ganaax dusha ka saartay Goolhayaha 1-aad ee kooxda ee Kepa Arrizabalaga kaas oo ay ku ganaaxday in uuna mushaharkiisa qaadan todobaad kadib markii uu diiday in uu badal ku boxo kulankii Man City ee Finalka Carabao cup-ka.

Kooxda chelsea ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Man City finalka Carabao cup-ka kadib markii ay rikoodhayaal kaga adkaatay.

Kulanka ayaa lagu arkay dhacdo muran badan dhalisay kadib markii uu goolhaye Kepa Arrizabalaga diiday in uu badal ku boxo xilli uu Goolhaye Willy Caballero badalka u taagnaa ka hor daqiiqado yar intii ayna dhamaan wakhtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta.

Tababare Maurizio Sarri ayaa si weyn uga cadhooday ficilka goolhayaha Laakiin ugu dambayn iska Aqabalay in uu isagu ku jiro rikoodayaasha.

Kooxda chelsea ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay xiddiga ku ganaaxday in laga jaro mushaharkiisa todobaad dhamaystiran si ay ciqaab ugu noqoto.

Warka ayaa intaas ku daraya in lacagta laga jaray Kepa mudadada todobaadka ah in ay aadi doonto sama-fal ay chelsea u uruurinayso dadka baahan sida caruurta iyo wax la mid ah.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here