RASMI: Barcelona Vs Valencia: Labada Kooxood Oo Isaga Hor Iman Doona Finalka Copa del Rey & Xog Aad Uga Baahantahay Kulankaas

Kooxda Valencia ayaa si Rasmi ah ugu soo baxday Finlka Copa del Rey iyada oo la ciyaari doonta kooxda Barcelona oo soo jiidhay kooxda Real Madrid Arbacadii.

Barcelona ayaa 4/1 kaga soo badisay Real Madrid marka la isku daro naftiijada labada lugood halka ay Valencia kooxda Real Madrid kaga soo badisay 3/2.

Kulanka finalka ayaa lagu qaban doonaa garoonka kooxda Real Betis ee Estadio Benito Villamarin kulanka oo dhici doona 25 bisha May saacada 10:30 Habeenimo

Kulankan ayaa noqon doona markii 3-aad ee ay labada kooxood isaga hor yimaadeen Finalka tartanka koobka Spain ee Copa del Rey.

Kooxda Barcelona ayaa ku guulaystay koobka sanadihii 1952 iyo 1971 halka ay kooxda Valencia hal mar ku guulaystay markaas oo ah 1954-kii.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here