RASMI: Barcelona Oo Xaqiijisay Mudada Uu Ousmane Dembélé Ka Maqnaan Doono Garoomada Kadib Dhaawac Soo Gaadhay

0

Kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay mudada uu xiddiga Ousmane Dembélé Ka maqnaan doono garoomada iyo waliba nooca dhaawacii soo gaadhay xiddiga kulankii Lyon.

Barcelona ayaa xaqiijisay in uu Ousmane Dembélé maray baadhitaan saaka oo khamiis ah waxana uu xiddiga dhaawac ka soo gaadhay muruqa lugta bidix.

Kooxda Barcelona ayaa sidoo kale xaqiijisay in uu iddiga reer France garoomada ka maqnaan doono muddo u dhexaysa 3 ilaa 4 todobaad.

Ousmane Dembélé ayaa dhaawac ka soo gaadhay kulankii ay Barcelona 5/1 uga badisay kooxda Lyon kulan ka tirsanaa champions League kadib markii uu badal ku soo galay 20-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay.

Xiddiga ayaa dhaliyay goolkiisii 3-aad ee tartanka champions League halka uu guud ahaan dhaliyay 14 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here