RASMI: Barcelona Oo Xaqiijisay Mudada Uu Luis Suarez Ka Maqnaan Doono Garoomada, Waa Sidee Rajadiisa Ciyaarista Kulanka Man United?

Kooxda Barcelona ayaa warbixin ka soo saartay dhaawacii soo gaadhay xiddiga Luis Suarez kulankii Real Betis ee horyaalka La Liga.

Barcelona ayaa waayi karta adeega Luis Suarez marka ay la ciyaari doonaan Man United champions League bisha Dambe.

Suarez ayuu dhaawac kuraanta ah soo gaadhay kulankii ay Barcelona 4/1 uga badisay kooxda Real Betis Axadii kadib markii uu dhaliyay gool.

Xiddiga reer Urugauy ayaa la badalay daqiiqadihii ugu dambeeyay waxana uu maanta oo Isniin ah maray baadhitaan si loo ogaado dhaawaca.

Kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay in uu xiddigu garoomada ka maqnaan doono 10 ilaa 15 maalmood halka sidoo kale laga saaray liiska xulka qarankiisa.

Suarez ayay u badantahay in uu taam u noqdo kulanka Lugta 1-aad ee ay Barcelona la ciyaari doonto Man United kaas oo dhici doona 10 bisha April ka hor inta aan lugta 2-aad la ciyaarin 6 maalmood kadib.

Laakiin Xiddiga ayaa wakhtiga dagaal la gali doona si uu taam buuxa ugu noqdo in uu ku bilwodo kulankaas champions League.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here