RASMI: Barcelona Oo Xaqiijisay In Uu Dhaawac Soo Gaadhay Ousmane Dembéle, Waa Sidee Rajadiisa Kulanka Lyon?

Kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay in xiddiga kooxda ee Ousmane Dembéle dhaawaca ka soo gaadhay kulankii xalay ay guusha ka gaadheen kooxda Rayo Vallecano.

Barcelona ayaa xaqiijisay in uu dhaawaca ka soo gaadhay xiddiga muruqa lugta bidix iyada oo aan wali la ogayn in uu taam u noqon doono kulanka champions League ee ay Barcelona la ciyaari doonto kooxda Lyon salaasada.

Xiddiga reer France ayuu dhaawacu soo gaadhay kulankii ay Barcelona 3/1 uga badisay kooxda Rayo Vallecano isaga oo badal ku soo galay qaybtii dambe.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah kooxda Barcelona marka loo eego in uu xiddiga da,yarka ah muhiim ka yahay shaxda Valverde.

Dhaawaca xiddigan ayaa la macno ah in uu Phillipe Coutinho ku bilaaban doono shaxda Barcelona kulanka Lyon hadii uu ka soo kabsan waayo dhaawaca.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here