RASMI: Barcelona Oo Xaqiijisay In Ay Iska Fasaxday Xiddiga U Jooga Kooxda

Kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay xiddiga si Rasmi ah uga tagay kooxdiisa kadib markii ay ka heshiiyeen in la kansalo heshiiskiisa.

Barcelona ayaa xaqiijisay in uu xiddiga Sergi Samper isaga tagay kooxda Barcelona kadib markii ay isku af agrteen in la kansalo heshiiska labada dhinac.

Kooxda ayaa intaas ku dartay in uu xiddiga da,yarka ah shir qaban doono maalinta bari ah si uu kooxda u macasalaameeyo.

Barcelona ayaa nasiib wacan u tijaabisay xiddiga da,yarka ah oo ka soo baxay Akademiyada Lamsia wakhti fiicana ku soo qaatay da,yarka kooxda.

Xiddigan ayaa ku dhibaatooday in uu boos joogto ah ka helo kooxda 1-aad taas oo keentay in ay labada dhinac ku heshiiyaan in la kansalo heshiiska.

Sergi Samper Ayaa haatan si Xor ah ugu biiri kara koox kasta oo uu doonayo kadib markii ay Barcelona fasaxday xiddiga.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here