RASMI: Barcelona Oo Xaqiijisay In Ay Heshiis Cusub Ka Saxiixatay Daafaca Jordi Alba, Imisa Sano Ayuu Qalinka Ku Duugay

Kooxda Barcelona ayaa ugu dambayn heshiis cusub ka saxiixatay xiddiga daafac uga ciyaara ee Jordi Alba sida ay haatan ku xaqiijisay bogeeda Internet-ka.

Jordi Alba ayaa ogolaaday in uu kooxda Barcelona u saxiix heshiis cusub oo uu kooxda Barcelona ku sii joogi doono 5-ta xilli ciyaareed ee soo socota.

Barcelona ayaa heshiiska xiddiga ku xidhay lacag dhan 500 oo milyan oo lagu bur-burin karo heshiiska uu u saxiixay kooxdiisa.

Heshiiska cusub ee Alba ayaa dhici doona 30 Bisha June ee sanadka 2024 isaga oo mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxda Barcelona.

Barcelona ayaa ugu dambayn meesha ka saartay soo jiitankii ku saabsanaa mustaqbalka xiddiga iyada oo maalmaha yar ee soo socda xiddiga si Rasmi ah looga saxiixi doono heshiiska cusub.

Alba ayaa kooxda Barcelona u ciayaray 282 tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda Barcelona isaga oo haatan ku jira xilli ciyaareedkiisii 7-aad.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here