RASMI: Barcelona Oo Xalay Si Lama Filaan Ah Wakhti Hore Ula Soo Wareegtay Jean-Clair Todibo Oo La Filayay In Uu Kooxda Yimaado

Jean-Clair Todibo ayaa xalay Soo Gaadhay Barcelona kadib markii ay Blaugrana iyo Toulouse ka heshiiyeen saxiixa 19 jirkan in uu Camp Nou ku soo biiro wakhti ka horeeya wakhtigii lagu heshiiyay.

Barcelona ayaa Jean-Clair Todibo kula heshiisay in uu si xor ah ugu soo biiro marka uu dhamaado heshiiska kooxdiisa reer France dhamaadka xilli ciyaareedkan laakiin Barcelona ayaa xalay lacag ogolaatay si ay xiddigu u keeno suuqii January ee xalay xidhmay.

Kooxda Toulouse Ayaa Tobido u dhaadhicisay da,yarka kooxda isla markii uu heshiiska la gaadhay kooxda Barcelona taas oo Barcelona ku dhalisay in ay xalay dhamaystirto saxiixa xiddiga.

Barcelona ayaa bixisay lacagta ay kula saxiixanayso xiddiga inkasta oo aan ilaa haatan la ogayn inta uu yahay qiimaha lacagtaas.

Tababare Ernesto Valerede ayaa haatan haysan doona 6 daafac oo dhexe inta ka dhiman xilli ciyaareedkan xilli ay maamulka kooxdu u diyaargaroobayaan bixitaanka Gerard Pique.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here