RASMI: Argentine Vs Colombia, Brazil Vs Beru & Isku Aadka Copa America Brazil 2019 Oo La Soo Saaray

Waxa xalay wakhti dambe la soo saaray isku aadka Tartanka Copa America 2019 kaas oo lagu qaban doono dalka Brzil xagaaga sanadka 2019.

Isku aadka ayaa soo saaray kulamo adag oo xiiso leh iyo waliba waad aan xiiso lahayn oo ay isaga hor yimaadeen xulalka iska dhex dhexaad ah.

Tartanka Copa America ayaa sanadkan lagu arki doonaa 2 xun oo Aasiya ah kana baxsan qaarada America kuwaas oo kala ah Japan iyo Qatar kuwaas oo 12 ka dhigay xulalka u tartami doona.

Group-yada ugu adag ayay ka mid yihiin in xulka Argentine ee uu hogaamin doono Lionel Messi la Group-yahay xulka qaranka Colombia.

Halka xulka difaacanaya koobka ee Chile la ciyaari doono xulalka Uruguay iyo Japan kuwaas oo ku wada Group-ka 3-aad.

Halkan Hoose Kaga Bogo Isku Aadka Oo Dhamaystiran.

Group A: Brazil, Beru, Venezuela, Bolivia.

Group B: Argentine, Colombia, Paraguay, Qatar

Group C: Urugauy, Chile, Japan, Ecuador

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here